Muuse Biixi oo Addis Ababa looga yeeray

1760

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalinta berri ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen warbaahinta Somaliland.

Muuse Biixi ayaa martiqaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana la sheegay in kulan gaar ah ay wada qaadan doonaan.

Booqashada Madaxweynaha Somaliland ayaa noqon doonta tii u horeysay oo uu ku tabo Addis Ababa, tan iyo markii talada uu la wareegay Abiy Ahmed, isla markaana is bedelo ka dhaceen Itoobiya.

Xiriirka Maamulka Somaliland iyo Itoobiya ayaa ahaa mid wanaagsanaa tobanaankii sano ee u dambeeyay, inkastoo Is bedeladii sanadkii la soo dhaafay ka dhacay Itoobiya uu waxooga hoos u dhacay xiriirkooda.

Itoobiya ayaa si gaar ula macaamisha maamulada Soomaalida, iyadoo Hargeysa iyo Garowe ay ka joogaan Wakiil u dhigma Qunsul.