Muuse Biixi oo internetka kajaray Laasacaanood +SAWIRRO

202

Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Somaliland ayaa Maanta si xoog ah kula wareegay Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Telesom ku leedahay magaalada laas-Caanood, halkaas oo muddo todobaad ah ay ka socdaan banaanbaxyo rabshado wata.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada ay ku amreen in la jaro Isgaarsinta magaalada laas-Caanood iyo degaannada hoostaga, waxaana Sawiro laga soo qaaday lagu arkayay ciidamada oo ku hareereysan Xarunta Shirkadda, qaarkoodna ay gudaha u galeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in sababta loo weeraray Xarunta Shirkadda Isgaariinta Telesom ay tahay in Internet-ka magaalada laas-Caanood la jaro si aan loo again dhibaatada ay Shacabka u geysanayaan ciidamada Somaliland.

Shacabka dibadbaxa dhigayay ayaa dalbanayay in ciidanka Somaliland ay kabaxaan dhulkooda gobalka Sool, xili Isimadda gobalka ay ku dhawaaqeen in maamulkaas uga baxo dhulkooda.