Muuse Biixi oo joojiyay cafiska dadka Somaliland ee ka qayb gala siyaasada Soomaaliya

945

Wareegto uu ku saxeexanyahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay joojisay aqbalaada cafisyada ay Soo dalbadaan dadka reer Somaliland ee ka qayb gala siyaasada Soomaaliya, isla markaana, waxa lagu xusay in ay maxkamad wajihi doonaan.

Wareegtada ayaa lagu yidhi “qof kasta oo u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo masuul dowladeed, shicib, urur, axsaab, aqoon-yahan, madax-dhaqameed, suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay go’aanka labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole”.

Waxa lagu sheegay in xukuumadda oo kaliya ah ka qayb gali karto shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Somaliland iyo dastuurka Somaliland, si waafaqsan go’aanka  labada gole ee summaddiisu tahay GB/G/01/02/2012, kuna taariikhaysan 05/02/2012.

Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay go’aanka labada gole ee baarlamaan ee Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin maxkamadda awoodda u leh oo aanu xukun maxkamadeed ku dhicin.

Dhamaan hay’ada amniga iyo hay’adaha kale ee xukuumada ayaa amar lagu siiyay in ay fuliyaan amarka kasoo baxay madaxweynaha Somaliland.
Hoos ka akhriso wareegtada oo faahfaahsan:-
1) Qof kasta oo u dhashay Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole.
2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Go’aanka  labada Gole ee summaddiisu tahay GB/G/01/02/2012, kuna taariikhaysan 05/02/2012.
3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu Xukun Maxkamadeed ku dhicin.
4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Go’aanka Labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.