Muuse Biixi oo magacaabay Taliyaha Sirdoonka Somaliland

1006

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa xilkii ka qaadey Taliyayaashii Ciidammada Sirdoonka, Badda iyo Laanta Socdaalka Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi ayaa magacaabay Taliyayaal cusub oo bedelaya xubnaha uu xilka ka qaaday, kuwaas oo kala ah:

1. Jeneraal Xiirane – Taliyaha Cusub ee ciidanka socdaalka
2. Jeneral Faysal Guhaad Cabdi Gahayr – Taliyaha Sirdoonka
3. Jeneral Hurre Haariye – Taliyaha ciidanka Badda.