Muuse Biixi oo ogolaaday in ciidamada uu kala baxayo Laascaano

339

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa barqanimadii maanta la xariiray wakiilada caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya (C6+), waxaana uu sheegay in uu ciidamadiisa ka qaadayo magaalada oo geynayo aag Laascaanood u jira 30KM, taas oo ahayd wixii ay dhinacyadu isku diideen 10-kii bishan, xiligaas oo aysan dhicin dagaaladii khasaaraha badan geystay.

Biixi ayaa sheegay in u baahan yahay in lahelo damaanad-qaad ah dagaalka in la joojinayo & in aan halkaas looga daba imaanin, laakiin wali ma jirto jawaab-celin.

Sidoo kale, xogo laga helayo Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in jahawareer ka jira gudaha Taliska ciidanka, Madaxweynaha iyo koox kamid ah taliska ay doonayaan in ay iskugu tagaan ciidankooda, deegaanka Yagoori ee gobalka Sool, halkaas oo ay difaac ka xirantaan, laakiin ay jirto kala qeybsanaan ka dhan ah kala amar-qaadashada.

Aroornimadii sakaa, Somaliland ayaa ciidamadeeda kala baxday aagaga Tukaraq iyo Gambadha, waxaana qabsaday dadka deegaanka.

Dagaalkii shalay ka dhacay galbeedka Laascaanood oo ay ku taal xerada Guulwade oo ay daganaayeen ciidamada uu hoggaamiyo Mahad Cambaashe ayaa keenay niyad jab soo degdegay oo ay la huleeleen ciidanka Somaliland, waxaana jira khasaare baaxad leh oo dagaalkaas kasoo gaaray.