Muuse Suudi Yalaxow shacabka muqdisho way faqriyeen +VIDEO

1796

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa sheegay in dadka ku nool Magaalada Muqdisho ay heysato laba dhibaato oo ay qeyb ka tahay go’doon la geliyey.

Waxaa uu sheegay in dadka ku nool Magaalada muqdisho laga qaado Canshuur farabadan oo aan wax loogu qaban,sidoo kalena la geliyey Go’doon.

“Dadka Muqdisho waa ay dhiban yihiin,Canshuur laga qaado waxaa uga daran meelo maraan ayay la’yihiin oo jidadka ayaa dhagxaan looga gooyey,cidii aan wax qabaheyn waxba ha siin ee dhagaxa wax hala siiyo hadii uu wax qaban karo,dadka masaakiinta ah ee Reer muqdishsana faqri ayay noqdeen ayuu yiri” Senator Muuse Suudi.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay la yimaadaan qorsho la xiriira dhinaca Amniga loogana baahan yahay inay dadka reer Muqdisho ay wadooyinka u furaan.

Hay’adaha Ammaanka Soomaaliya ayaa u arkay wadooyinka dhagxaanta lagu jaray inay ka qeyb qaadan karaan sugida Amniga Caasimadda,hayeeshee Siyaasiyiinta mucaaradsan ay ku dhaliileen Madaxda Dowladda Federaalka.