Muxidiin Xasan Afrax oo qarax kabadbaaday

1704

Faaf faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaaro dhimasho iyo dhawac leh dhaliyay oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaaraan ee Waqooyiga Mugdisho, waxaana kasoo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan qaraxaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in maanta la qarxiyay Gaari uu la socday Xildhibaan hore Muxidiin Xasan Afrax, waxaana lala beegsaday Qarax miino sida ay sheegayaan wararka aan helayno.

Qaraxa ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay Xaafadaha Degmada Kaaraan iyo degmooyinka kale ee ka agdhaw, waxaana dad Goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen in ay arkayeen uuro Modoow oo cirka isku shareertay, taasi oo muujinaysay Awoodda Qaraxa lala eegtay gaariga mas’uulka.

Inta la xaqiijyay hal Askari ayaa ku dhintay oo ka mid ahaa ilaalada Mas’uulka Gaarigiisa la qarxiyay, waxaana ku dhaawacmay mid kale, sida ay ku warramayaan wararkii ugu dambeeyay ee aan helayno.