Muxuu Tababaraha Wolves Ee Nuno Espirito Santo Ka Yidhi Wararka La Xidhiidhinaya Shaqada Arsenal?

1635

Tababaraha Kooxda Wolves ee Nuno Espirito Santo ayaa diiday in uu ka hadlo wararka la xidhiidhinaya shaqada tababaranimo ee Arsenal xilli laga yaabo in Unai Emery laga caydhiyo shaqada aRSENAL.

Tababaraha Wolves ayaa hogaaminaya tababarayaasha u sharaxan shaqada kooxda Arsenal kadib markii uu shaqo cajiib ah ka qabtay kooxda Wolaves.

Emery ayuu saaran yahay cadaadis xoogan kadib guuldaradii Eintracht Frankfurt ee Europa League taas oo dib u dhigtay kulanka ugu dambeeya in ay Gunnars u soo baxdo wareega xiga.

Tababare Nuno Espirito Santo ayaa dhanka kale kooxdiisa ku hogaamiyay wareega xiga ee Europa League halka uu 3 boos ka sareeyo Kooxda Arsenal dhanka premier League.

Tababaraha ayaa wax laga waydiiyay in ay wax run ah ka jiraan wararka la xidhiidhinaya Arsenal waxana uu ku jawaabay”Waxa aan u malaynayaa in aanad si fiican ii aqoonin sababta oo ah waxa aad ogtahay in aanan ka jawaabayn su,aashaas”.

“Marna ma soo hadal qaadayo arin aan ahayn xaqiiq, sababta oo ah shaqo uu tababare haysto taasi waxa ay noqonaysaa Ixtiraam daro”.