
Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis wayn oo iskaashi ciidan ah, kaas oo ay qalinka ku duugeen wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Dalka Boqortooyada Sucuudiga, Sumuwal Amiir Khaalid Bin Salmaan.
Heshiiskan ayaa sii xoojinaya iskaashiga dhinacyada difaaca iyo milatariga ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda difaaca.
Sidoo kale wuxuu heshiisku daboolayaa dhinacyo kala duwan oo ay labada dal si wadajir ah u danaynayaan.
Tallaabadan ayaa sii xoojineyso iskaashiga difaaca, is-weydaarsiga khibradaha, iyo la socodka tiknoolajiyada casriga ah ee amniga iyo warshadaha militariga.
Sacuudiga ayaa u muuqdo inuu buuxinayo booska Imaaraaradka Carabta oo dhawaan Soomaaliya ay ka cayrisay gudaha dalka, sidoo kalena ay baabi’isay dhammaan heshiisyadii horay loola galay oo ay ku jiraan kuwa difaaca dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay wadday dadaallo culus oo ay ku doonayso in iskaashi amni oo qoto dheer kula yeelato Sacuudiga iyo Masar, gaar ahaan ilaalinta marinka istiraatiijiga ah ee Badda Cas, tallaabadan oo hadda loo dhaqaaqay ayaa ah jawaab istiraatiiji oo laga bixinayo go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.
Heshiiska ay gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa kusoo aaday, xilli muhiim ah oo ay Soomaaliya waddo howlgallo ka dhan ah argagixisada, iyadoo ay jiraan culeysyo dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed oo laga dareemayo dalka.



















