DAAWO:-Nabaddoon Geesey Cusmaan oo Lagu Dilay Muqdisho

1150

Alle ha u naxariistee waxaa galabta Muqdisho lagu dilay Nabaddoon Geesey Cusmaan, oo ka mid ahaa Nabaddoonada Soomaaliyeed, sidoo kalena si weyn looga garanayay Magaalada Muqdisho.

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in Marxuumka ay wadaddada u galeen, xilli uu kasoo baxay Masjidka, oo uu Salaadda Casar u aaday, waxaana dilku uu si gaar ah uga dhacay Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshid ee Gobolkani Banaadir.

Dad goobjoogayaal aha yaa inoo xaqiijiyay in dableydii dilka gaysatay ay goobta isaga baxsadeen, kadib markii ay dhowr xabbadood ku dhufteen marxuumka, oo markaasi kasoo baxay Masjid ku yaalla Xaafadda fagaxa.

Marxuumka ayaa si weyn looga garanayay Xaafadda Galabta lagu dilay, waxaana lagu xasuustaa in Bulshada uu ka wacyigalin jiray maandooriyaha, isagoo dhowr jeer Warbaahinta bulshada kasoo muuqday isagoo ka wacyigalinaya maandooriyaha kala duwan.

Goobta uu dilku ka dahcay waxaa gaaray Ciidanka ammaanka kuwaasi oo sameeyay baaritaanno, balse lama shaacin ilaa iyo hadda cid loo soo qabtay dilka marxuumka, oo kooxo ku hubaysan bistoolado ay toogteen.

Sidoo kale Maamulka iyo laaamha amnigu wax war ah kama soos aarin dilka ka dhacay Fagax, ee loo gaystay Nabadoon geesey Cusmaan oo ka mid ahaa nabaddoonada Soomaaliyeed.