Nabadoon ASKAR oo lagu dilay Boosaaso

1672

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysnaa oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dilkaan oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa waxaa loo geystay nabadoon lagu magacaabi jiray Cismaan Axmed Askar, kaas oo si weyn looga yaqiinay degmadaasi.

Nabadoonka ayaa la toogtay xilli uu ku sugnaa afaafka hore hoygiisa oo ku yaalla xaafadda New Boosaaso.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey dilkiisa ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib, waxaana Meydka halkaasi ka qaaday dad rayid ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, balse ma jirto cid ay gacanta ku soo dhigeen.

Muddooyinkii dambe amniga Boosaaso ayaa faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada.

Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli ay halkeeda tahay xiisada u dhexeysa xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Deni iyo waxgaradka magaaladaasi.