Nabadoon Cabdi Cabdulle Xaashi oo Muqdisho lagu dilay

672

Dabley hubeysan ayaa saaka degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho waxay ku dileen oday dhaqameed ka tirsan Nabadoonada beelaha Soomaaliyeed.

Nabadoon Cabdi Cabdulle Xaashi ayaa toogasho la dilay xili uu sii galayey Masaajid ku yaalla degaanka Ceelasha biyaha oo uu doonayey inuu ku soo tukado Salaada ciida.

Wararka ayaa sheegaya in nabadoonka uu isla goobta ku qur-baxay, iyadoo kooxihii dilayna ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada amaanka DF ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano inkastoo aysan ku guuleysan iney soo qabtaan kooxihii ka dambeeyey dilka Nabadoonka.