Nabadoon Cabdi Siyaad Geeddi oo lagu diley Muqdisho

1256

Dabley hubeysan ayaa goor dhow ku diley Nabadoon Cabdi Siyaad Geeddi oo ka mid ahaa nabadoonadii soo xulay Baarlamaanka 10aad ee waqtiga xilheyntiisa.

Nabadoon Macalin Cabdi Siyaad Geedi ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa suuqa ariga ee degmada deyniile ee magaalada Muqdisho.

Raggii ka dambeeyay dilka Nabadoonka ayaa ka baxsaday goobta iyadoo markii dambana ay gaareen ciidamo Boolis ah oo ka tirsan Saldhiga degmada Deyniile.

Maamulka degmada Deyniile iyo laamaha Amniga degmadaas weli kama hadlin dilka loo geystay Nabadoonka, waxaana horay muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka loogu dilay Nabadoonadii soo xulay ergada dooratay Baarlamaanka Soomaaliya.