Nabadoon lagu dhex dilay Masjid ku yaalla Boosaaso

1696

Nin hubeysan ayaa goordhow waxaa Masaajid ku yaalla Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari uu ku dhex toogtay nabadoon caan ka ahaa deegaanada Dowlad goboleedka Puntland.

Wariyeyaal ku sugan Boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in Nin bustoolad ku hubeysnaa uu galay Gudaha Masjidka Mubaarak oo ku yaalla Xaafada laanta Hawada ee Magalada Boosaaso,isla markaana uu dhowr xabadood ku dhuftay Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo kamid ahaa isimada Dhaqanka ee Puntland.

Rasaastii lagu furay ayaa la sheegay in markii hore uu kasoo gaaray dhaawac culus,hayeeshee uu ugu geeriyooday Isbitaalka National ee magaalada Boosaaso.

Dilka kadib ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in goobta laga maqlay bambada nooca Gacanta laga tuuro,waxaana la sheegay in qofkii dilka geystay uu baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa dilka kadib goobta gaaray, hayeeshee kuma guuleysan inay gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyey dilkaas.