Nabadoon Maxamed Xasan oo loogu galay gurigiisa

1052

Warar dheeraad ah kasoo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ugu geysteen Suuqa xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid nabadoon caan ka ahaa degmadaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Nuur oo ka mid ahaa waxgaradka magaalada Muqdisho.

Dableyda hubeysneyd ayaa la sheegay in Marxuumka ay ku dhex dileen gurigiisa, islamarkaana ay si deg deg ah uga baxsadeen goobta kooxdii dilka geysatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyadoona meydka nabadoonka la geeyay Xarunta Hay’adda Dambi baarista ee CID-da, sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Mudooyinkii dambe waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhaayay dilalka qorsheysan ee loo gaysto qeybaha kala duwan ee bulshada.