Nabadoon Xasan Fariid oo ladhaawacay

1529

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa salaadii Duhur kadib masjid kuyaala agagaarka Aargada Degmada Dayniile waxa ay ku dhaawaceen Nabadoon Xasan Fariid oo kamid ah waxgaradka halkaasi kunool.

Sida aan wararka ku helnay Nabadoon Xasan Fariid ayaa inta aan la dhaawicin kahor Masjidka ka aadaamay salaada Duhur, waxaana nabadoonka sadex xabadood lagu dhuftay markii la dukaday Salaada Duhur uuna kasoo baxayay albaabka Masjidka.,

Kooxdii Nabadoonka dhaawacday ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana nabadoonka oo dhaawac ah loola cararay xarun caafimaad halkaas oo eheladiisa sheegeen in xaaladiisa lagula tacaalayao.

Nabadoon Xasan Fariid ayaa ahaa nin si weyn looga yaqaan Muqdisho horeyna usoo noqday orodyahan, waxa uu sidoo kale yahay Aabaha ciyaaryahnkii hore ee xulka Qaranka Soomaaliya hadana katirsan naadiga Raadsan Jabriil Xasan Fariid.