Naciimo Xasan Xaaji oo loodoortay Aqalka Sare ee G/Waqooyi

1036

Ergad doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ku doortay Senatorka 8-aad ee kamid noqonaya Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursiga 8-aad ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Muno Cumar Xasan iyo Naciimo Xasan Xaaji, waxaana kursiga difaacaneysay Muno Cumar oo kamid aheyd Baarlamaankii 10-aad ee dowladda Federaalka.

Ergad doorashada Gobolada Waqooyi ayaa Naciimo Xasan Xaaji u doortay inay noqoto Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo heshay codad gaaraya 30 Cod, halka Muno Cumar oo la tartameysay ay heshay 13 Cod.

Doorashada kursiga 9-aad oo ka bilaabatay Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku tartamaya Saddex Musharax oo kala ah Cabdirisaaq Axmed Cali, Xasan Cabdi Gaas iyo Axmed Maxamed Saciid.