Nafti haliga isku qarxiyay maqaayada Gelato Divino +SAWIRRO

2208

Wararkii ugu horreeyey ee aan ka helnay khasaaraha qaraxii is-miidaaminta ee caawa ka dhacay maqaayadda Gelato Divino ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof, ayada oo 10 kale ay ku dhaawacmeen.

Xogta khasaraaha ayaa waxaa Wardoon.net u xaqiijiyey goobjoogeyaal iyo ilo-wareedyo amni. Adeegga gurmadka deg degga ah ee Amin Ambulance ayaa dhankooda xaqiijiyey geeriday 7 qof iyo dhaawaca 10.

Warbaahinta Wardoon.net ayaa sidoo kale ogaatay in qof ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha oo uu u qaabilsanaa safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia uu kamid ahaadadkii kudhintay.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey qof soo qof soo xirtay jaakad waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, kaasi oo gudaha u galay maqaaxida kadib is-qarxiyey.

Gelato Divino ma lahan waardiye hubeysan, waxaana albaabka jooga qof haysta gacan dhawaaqa oo dadka mariya. Qofka is-qarxiyey ayaa markii uu yimid goobta oo la isku dayey in gacankaas la mariyo, wuxuu xoog ku galay goobta kadibna durba is-qarxiyey.

Gelato Divino ayaa markii weerarka uu dhacayey waxaa ka jira mashquul xooggan, ayada oo sidan oo kale habeenada Jimcaha ay tahay meel aad u mashquul badan.

Waxaa goobta ku badan shaqaalaha dowladda iyo dadka ka ag dhow. Waxaa xitaaa mararka qaar taga xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya.