Napoli Oo Xasuuqday Liverpool +SAWIRRO

247

Liverpool ayaa guul darro xanuun badan kala kulantay Napoli , waxa ayna uga talaabsadeen 4/1 xilli qeybtii hore wiilasha reer Italy iska qasaariyeen rigoore.

Liverpool qadkooda dhexe waa uu lunsanaa waxaase kaaga daran hoos u dhac heer ciyaareedka daafaca kooxdaas gaar ahaan Van Dijk

Napoli waxa ay ka faa`ideysteen qaladaad ka dhacayay daafaca iyo qadka dhexe kooxdaas , waxa ayna wiilasha Klopp ka sheegteen in aysan u ciyaarin qaab wada jir ah.

Liverpool nasiinada waxaa loogu diray sedex gool oo nadiif ah waana markii sedex taariikhda ay arintaas ku dhaceyso Liverpool iyadoo la joogo Champion-ka

Napoli weerar ahaan iyo nooca rogaal celiska aad ayay u wacnaayeen  xilli daafac ahaan ay u  foojignaayeen

Liverpool qaladka ugu weyn marka laga yimaado waxa ay aheyd dhanka dookha shaxda macalinka uu ku soo galay ee qadka dhexe xilli garbaha wiilasha Klopp ahaayeen kuwo liitay

Liverpool maskxiyan xitaa waa niyad  jabeen qeybta labaad inakstoo kubadda isku dayayeen in ay la qeybsadaan Napoli