Nemanja Matic Oo Ka Fal Celiyay Wararka La Xidhiidhinaya Tottenham Kadib Markii Uu Jose Mourinho Noqday Tababaraha Kooxda

1693

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Nemanja Matic ayaa ka hadlay wararka la xidhiidhinaya kooxda Tottenham kadib markii uu Jose Mourinho noqday tababaraha cusub ee kooxda.

Jose Mourinho ayaa shalay noqday tabaabraha cusub ee kooxda Tottenham isaga oo ku soo laabtay premier League kadib 11 bilood oo uu ka maqnaa shaqada tababaranimo

Matij ayaa xidhiidh fiican la leh tababare Jose Mourinho isaga oo kala soo shaqeeyay kooxaha Man United iyo Chelsea ka hor intii aanu Mourinho ka tagin shaqada Man United.

Kadib markii la xaqiijiyay in uu jose Mourinho noqday tababaraha cusub ee Tottenham waxa soo baxay warar badan oo xiddiga la xidhiidhinaya Spurs iyo in uu mar kale la midoobi doono tababarihisii hore.

mid ka mid ah taageerayaasha premier League ayaa Instagram-ka soo dhigay sawir nin meel fadhiya isaga oo raaciyay qoraal ah”Matic oo sugaya Bisha January si uu Jose Mourinho ula soo saxiixdo”.

Matic ayaa kaga jiwaabay sawir muujinaya sacab iyo waliba sawir muujinaya qosol.

ماتيتش يثير التكهنات حول امكانية انتقاله الى توتنهام