Netanyahu: “Duqeynta Rafax ka dhacday waa qalad naxdin leh

175

Waxaa isa soo taraya qaylo dhaanta caalamiga ah ee ka dhalatay duqeynta ay Israa’iil ku qaaday xero ay ku nool yihiin dad Falastiiniyiin ah oo ka soo barakacay magaalada Rafah oo ay ku dhinteen ugu yaraan 45 qof ayna ku dhaawacmeen 200 oo kale, kuwaasoo u badan haween iyo carruur .

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu oo ka jawaabaya falkan ayaa ku tilmaamay duqeyntan inay ahayd qalad naxdin leh, wuxuuna sheegay in Israa’iil ay baarayso dhacdadan.

Muuqaalo la helay ayaa muujinayay xerada oo holcaysa, iyadoo tiro badan oo rag, dumar iyo carruur ah ay si waali ah isku dayayeen inay gabbaad ka helaan weerarka habeenkii. Meydad gubtay oo ay ku jiraan caruur ayaa la arkayay iyadoo ay samatabbixintu ka soo saarayaan burburka.

Duqeynta ayaa timid maalmo kadib markii maxkamada caalamiga ah ay amar ku bixisay in Israa’iil ay joojiso duulaanka ay ka wado magaalada rafax, waxaana dhowr hay’adood oo ka shaqeeya arimaha bini’aadantinimada ay ka codsadeen golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in la dhaqan geliyo awaamiirta maxkamada, iyagoo sheegay in loo baahan yahay talaabo deg deg ah.

Liis sii kordhaya oo ay ku jiraan dalal, hoggaamiyeyaasha adduunka iyo hay’adaha gargaarka ayaa hadda cambaareeyay weerarkan, iyagoo leh “ma jirto meel ammaan ah oo Gaza ah.”

“Argagaxinta Israel waa inay joogsato” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo soo saaray cambaarayn ba’an. “Ma jirto meel nabdoon oo ku taal Gaza.” ayuu yiri. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeelanaya kulan degdeg ah oo ay uga doodi doonaan dhacdadan, sida uu sheegay diblomaasi ka tirsan Qaramada Midoobay.

Madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa dhaleeceeyay jawaabta Netanyahu ee weerarka. “Haddii uu weerarku ahaa dambi dagaal ama ‘qallad naxdin leh’ oo loogu talagalay dadka Gaza, ma jirto wax dood ah. Wixii xalay dhacay ayaa ahaa kii ugu dambeeyay – oo laga yaabo inuu ahaa kii ugu naxariista badnaa – karaahiyo,” ayuu yiri Griffiths.

“Looma dulqaadan karo waxa ay Israel ku kaceyso” ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo sheegay inuu ka careysan yahay weerarradaas, wuxuuna ku baaqay xabbad-joojin.

Jarmalku wuxuu ku tilmaamay “sawirrada maydadka gubtay, oo ay ku jiraan caruur kuwo aan loo dulqaadan karin. Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay inay fuliso xukunka maxkamadda ICJ. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid xasuuq ah, wuxuuna sheegay in dalkiisu uu sameyn doono wax kasta oo karaankiisa ah si uu ula xisaabtamo mas’uuliyiinta Israa’iil.

Afhayeen u hadlay dowlada Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntu ay ahayd “wadna xanuun “, isagoo intaas ku daray in Mareykanka uu “si firfircoon ula falgalayo” saraakiisha Israa’iil si loo ogaado waxa dhacay. Afhayeenku wuxuu kaloo yiri

“Israa’iil waxay xaq u leedahay inay ugaarsato Xamaas, waxaana fahamsanahay in weerarkan lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan argagixisada Xamaas oo mas’uul ka ahaa weerarrada ka dhanka ah rayidka Israa’iil.” ayuu yiri afhayeenka.

Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (Médecins Sans Frontières) ayaa si adag u cambaareysay duqeynta waxayna ku baaqeen “Xabad joojin degdeg ah oo joogto ah”.

MSF waxa ay sheegtay in weerarka cirka ah ee lagu qaaday xerada ay muujinayso ixtiraam la’aanta buuxda ee nolosha dadka rayidka ah.

Maamulaha hawlaha MSF Gaia Giletta ayaa Gaza ka sheegtay “Waan ka naxnay weerarrada joogtada ah ee lagu hayo dadka rayidka ah, mana hayno hadal aan ku qeexno argagaxa wixii aan halkan ku aragnay.”

“Sawirradii xalay la oo bandhigay waxay caddayn u yihiin sida ay Rafah isugu beddeshay cadaabta dhulka,” ayuu yiri Philippe Lazzarini, oo ah Wakiilka Hay’adda Gargaarka iyo Shaqada ee Qaramada Midoobay ee Qaxootiga Falastiin (UNRWA).