Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo ka hadlay weerarkii dhinaca cirka ahaa ay ku qaadeen dalka Qatar , ayaa ku hanjabay in mar kale Doha weerari doonaan haddii aysan Qatar kusoo wareejin hoggaamiyaasha Xamaas ee dalkeeda joiga.
Netanyahu, ayaa ugu baaqay dowladda Qatar iyo dowladaha kale ee dalkooda joogaan xubnaha katirsan Xamaas in dhulkooda ka saaraan , haddii kale ay weerari doonaan kuna beegsan doonaan meel kasta ay joogaan.
“Waxaan leeyahay Qatar iyo dhammaan dalalka hoy u noqda argagixisada, ka saara dhulkiina , haddii kale waan weerarri doonaa oo annaga ayaa nolosha dhaafinayna… Weerarkii daraad aan fulinay waxba kama duwana weerarradii Mareykanka uga jawaabay 9/11… Dalalka cambaareynaya Israa|l waa inay ka xishoodaan..Waxay dunidda u sacbiyeen Mareykanka markii uu beegsaday Osama bin Laden gudaha Pakistan iyo Afgaanistaan, isla sidaa waa in loo sacbiyaa Israa|l marka ay Xamaas ku beegsanayso gudaha Qatar, waan sii wadeynaa weerarrada.“
Dhinaca kale dowladda Qatar ayaa si caro leh uga jawaabtay hadalladii Ra’isul wasaaraha Israa’iil ee ahaa in ay suurtogal tahay in ay qaadaan weerarro kale oo Xamaas ka dhan ah oo dalka ka dhaca ilaa laga eryo.
War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayay ku cambaaraysay waxa ay ku tilmaantay “hanjabaada cad ee ku wajahan xad-gudubyo ka dhan ah madax-banaanida qaranka”.
“Netanyahu waxa uu si buuxda ula socdaa in martigelinta xafiiska Xamaas ay ku timid hannaankii dhexdhexaadinta Qatar ee ay codsadeen Maraykanka iyo Israa’iil,” ayay wasaaraddu sheegtay.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar ayaa sheegay in saraakiisha Xamaas ee duqaynta lala beegsaday ay halkaa u joogeen dadaallo wadaxaajoodyada ku saabsan, codsigaasna uu ka yimid Israa’iil iyo Maraykanka.