Newcastle Oo Ku Dhagtay Man City Xilli Citizen Ka Sii Fogaanayso Tartanka Horyaalka Premier League

1713

Kooxda Man City ayaa taago kala kulantay kooxda Newcastle kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League todobaadkiisii 14-aad kulan ka dhacay garoonka St James’ Park.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Man City gabi ahaan maamulaysay dhanka qaab ciyaareedka iyo kubad haysashada laakiin Newcastle United ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 22-aad ayay Kooxda Man City hogaanka u qabatay ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Raheem Sterling kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay City ku hogaaminaysay ciyaarta.

Laakiin Newcastle ayaan ka niyad jabin ciyaarta waxana ay daqiiqadii 25-aadba dhaliyeen goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jetro Willems kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada Kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah inkasta oo ay Man City ka fiicnayd kooxda Newcastle United.

Qaybtii dambe ayay kooxda Man City ku soo gashay si dar-dar leh iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn si ay u dhaliyaan goolka guusha ama hogaanka.

Xilli ay ciyaartu muuqatay mid bar-baro 1/1 ah ku dhamaanaysa ayay wax iska badaleen daqiqiadii 82-aad iyaga oo uu Man City gool wareer ah u dhaliyay xiddiga Kevin De Bruyne kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Laakiin Newcastle ayaan mar kale niyad jabin waxana ay daqiiqadii 88-aad dhaliyeen gool wareer ah iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jonjo Shelvey kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Newcastle kooxda Man City ku qasabtay in ay hesho kaliya hal dhibic.