N’Golo Kante Oo Kashifay In Uu Iska Diiday Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah & Sababta Oo Uu Sharaxay

1709

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee N’Golo Kante ayaa xaqiijiyay in uu iska diiday kooxda PSG isaga oo isla markaasna xaqiijiyay in uu ku faraxsan yahay kooxda chelsea.

Kooxda PSG ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga reer France xagaagii 2018 kadib doorkii muhiimka ahaa ee uu ka ciyaaray ku guulaysigii koobkii adduunka ee xulka qarankiisa France.

Kante oo la hadlaya wargayska Daily Mail ayaa yidhi”Mararka qaar ma ogaano meesha aan tagayno laakiin waxa aan ognahay waxa aan haysano”.

“Waxa aan ogaa in aan joogay chelsea waliba aan kooxda kula jiro wakhti fiican”.

“Waxa aan iska diiday kooxda PSG Sababta oo ah waxa aan raali ka ahaa xaalkayga kooxda chelsea waxana aan ku faraxsanaa in aan sii joogo kooxdan”