Nidaamka Shaqaalaha ee dowladda Dhexe iyo Shaqaalaha gobolka Banaadir oo la isku xirayo

1539

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay inuu socdo qorshe la isku xirayo nidaamka shaqaale ee Dowladda dhexe iyo kan Maamulka Gobolka Banaadir, si meesha looga saaro dadka labada dhinac mushaarka ka qaata.

Eng. Yariisow oo kulan la qaatay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa kala hadlay muhiimadda ay leedahay tirakoobka shaqaalaha dowladda Hooseaalaha Dawladda Hoose

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka siiyey Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Saalax Axmed Jaamac nidaamka shaqaaleysiinta Gobolka Banaadir iyo habraaciisa, isagoo xusay in labada dhinac ay iska-kaashan doonaan sidii loo kordhin lahaa tayada iyo xirfaha shaqaalaha .

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu in muddo ah ku howllanaa sidii shaqaalaha Dawladda Hoose u shaqeeya lagu diiwaangelin lahaa, iyadoo howshan ay iska kaashanayaan Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in natiijada ka soo baxaysa tirakoobkan ay wax badan ka badali-doonto xaaladda dhabta ah ee shaqaalaha, isla markaana ay arrintani ahmiyad weyn u leedahay in la helo shaqaale tiro yar oo tayo badan.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa uga mahadceliyey Duqa Muqdisho wada-shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin, dhankoodana ay ku dadaalli doonaan sidii loo heli lahaa shaqaale tayo leh oo ku habboon howlaha loo idmaday.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha D/Hoose iyo masuuliyiin kale.