DAAWO Nin ay Trump sxbdhow ahaayeen oo latoogtay

17

Charlie Kirk, oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Donald Trump, ahaana aasaasaha ururka u dhaq-dhaqaaqa dhalinyarada garabka midig ee ugu caansan Mareykanka ee Turning Point USA, ayaa maana toogasho lagu dilay.

Ninkii weynaa, xitaa halyeeyga ahaa, Charlie Kirk, wuu geeriyooday,” ayuu Mr. Trump ku qoray barta Truth Social, isagoo raaciyey, “Wuxuu ahaa qof ay dhammaan dadka jeclaayeen oo ay qadariyaan, si gaar ahna aniga, laakiin hadda wixii ka dambeeya nalama joogo.”
Kirk ayaa waxaa laga toogtay qoorta xilli uu khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacday Jaamacadda Utah Valley University, toogashadaas oo u muuqatay mid meel fog laga soo shiishay.

Muuqaallo lagu duubay taleefannada gacanta oo la soo geliyay internet-ka ayaa muujinayay dad ka cararaya goobta munaasabadda kadib markii la maqlay dhawaqa rasaas. Hal muuqaal ayaa u muuqday inuu qabanayo madaxa Mr. Kirk oo dib u boodaya iyadoo dhiig uu ka da’ayo qoortiisa. Waxa uu khudbaddiisa jeedinayay isagoo fadhiyay teendho ay ku qornayd halku-dhegga ah “Soo Kabashada Mareykanka.”

Afhayeenad u hadashay jaamacadda, Ellen Treanor, ayaa sheegtay in Mr. Kirk la toogtay qiyaastii 20 daqiiqo kadib markii uu bilaabay khudbaddiisa. Waxay intaa ku dartay in qofka tuhmanaha ah uu Mr. Kirk kasoo toogtay dhismaha Losee Center, oo ah dhismo u jira masaafo dhan 200 oo yaardi.
Markii hore, jaamacadda waxay sheegtay in qofkii toogashada gaystay la soo qabtay. Laakiin saraakiisha ayaa markii dambe ogaaday in qofka ay xireen — kaasoo ka soo muuqday muuqaallada online-ka la soo geliyay — uusan ahayn ninkii falka gaystay, sida uu sheegay afhayeen kale, Scott Trotter, isagoo soo xiganaya xog ka timid taliyaha booliska jaamacadda, oo la shaqeynayay hay’adaha kale ee sharciga.

Treanor waxay sheegtay in ilaalada gaarka ah ee Mr. Kirk ay la carareen toogashada ka dib, oo ay qaadeen isbitaalka. Hase yeeshee wuxuu ku dhintay isbitaalka waxyar un kadib markii lala gaaray.

Kirk wuxuu si joogto ah u weerari jiray warbaahinta waaweyn, isagoo ku hawlan dagaallada dhaqan ee ku saabsan qowmiyadaha, jinsiga iyo socdaalka, isaga oo inta badan adeegsanaya qaab kicin leh.

Inkasta oo aan la ogeyn ujeeddada weerarka iyo cidda dishay, haddana Maraykanka waxa uu hadda marayaa xilli rabshado siyaasadeed oo joogto ah oo aan la arag tan iyo 1970-meeyadii.

Warbixin ay Reuters diyaarisay ayaa lagu sheegay in, in ka badan 300 falal rabshado siyaasadeed wata la diiwaan-geliyey tan iyo markii taageerayaasha Trump ay weerareen Capitol Hill 6-dii Janaayo 2021.

Bishii Luulyo 2024, Trump waxaa si yar ugu dhacday xabad uu riday nin hubeysan intii lagu jiray ololihiisa doorashada isaga oo ka hadlayey Butler, Pennsylvania. Laba bilood ka dib, isku day dil kale ayaa la fashiliyey.

gabadha ah Melissa Hortman iyo ninkeeda, wuxuuna dhaawacay Senator John Hoffman iyo xaaskiisa.

Mr. Kirk, oo 31 jir ah, ayaa sannadihii u dambeeyay ku soo baxay mid ka mid ah shakhsiyaadka da’da yar ee garabka midig ee ugu saameynta badan dalka, wuxuuna saaxiib dhow la yahay madaxweyne Donald Trump.

Mr. Kirk wuxuu sanadkii 2012-kii wax ka aasaasay ururka Turning Point USA, tan iyo xilligaasna wuxuu noqday qof caan ka ah oo si joogto ah uga dhex muuqda kulliyadaha jaamacadaha, halkaasoo uu ku qabto isu soo baxyo lamid ah kii Utah, kuwaasoo inta badan soo jiita dadweyne faro badan.