Nin baabuur dad kuweeraray daka Jarmalka +SAWIRRO

42

Booliska ayaa xabsiga dhigay qaxooti Afghaan ah oo lagu tuhunsan yahay weerar baabuur lagu jiiray dad, kaas oo 28 qof dhaawac u geystay, oo qaarkood ay xaaladdoodu daran tahay, magaalada Munich ee koonfurta Jarmalka Khamiistii.

 

Falkan wuxuu yimid xilli magaalada Munich lagu qabanayo shir amni oo sare iyo xilli dood adag oo ku saabsan soo-galootiga ay ka taagan tahay dalka kahor doorashada 23-ka Febraayo.

Baabuurka Mini Cooper-ka ah ayaa ku dhacay bannaanbax ay qabanayeen xubno ka tirsan ururka shaqaalaha, wuxuuna sababay dhaawacyo iyo burbur hantiyeed.

 

Booliska goobta joogay ayaa rasaas ku furay baabuurka burburay waxayna xireen wadaha, oo ahaa 24-jir Afghaan ah, laguna sheegay magaciisa Farhad N., sida ay warbaahinta Jarmalku sheegtay.

Ra’iisul Wasaare Olaf Scholz ayaa cambaareeyay weerarkan “xun” wuxuuna ballan qaaday cawaaqib adag.

 

Waa caddahay: qofka weerarkan geystay wax naxariis ah ma filan karo, waa in la ciqaabaa oo dalka laga saaraa,” ayuu Scholz u sheegay saxafiyiinta.

 

Kabaha, muraayadaha iyo gaari carruureed ayaa goobta lagu arkay, taas oo dadka xasuusinaysa weerarkii baabuur ee dilaaga ahaa ee bishii December ka dhacay suuqa Kirismaska ee Magdeburg.

Waxay u egtahay mid kas ah’

Alexa Graef, oo goob-joog ahayd, ayaa sheegtay inay “naxdin” ku noqotay markii ay aragtay baabuurka oo dadkii jiiraya, “waxay u muuqatay mid si kas ah loo sameeyay.”

 

Waxaan rajaynayaa inaan mar kale arkin wax sidan oo kale ah,” ayay tiri Graef, oo xafiiskeedu ka soo horjeeday isgoyska uu shilku ka dhacay.

 

Booliisku waxay baarayeen baabuurka caddaan-creamy ah oo la isticmaalay, iyagoo eeyaha wax uriyo ku wareejiyay Mini-ga.

Ninka 24-jirka ah ee Afghaanka ah, oo ku noolaa Munich, ayaa goobta lagu xiray, sida ay booliisku sheegeen.

 

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inay hayaan “calaamado muujinaya in weerarku salka ku hayo fikir xagjir ah,” waxaana baaritaanka la wareegay xafiiska dacwad-oogaha gobolka.

 

Wargeyska Der Spiegel, oo soo xiganaya ilo amni, ayaa sheegay in la rumeysan yahay inuu internet-ka ku faafiyay waxyaabo la xiriira Islaamiyiinta kahor weerarka.

 

Afhayeen u hadlay adeegga dab-demiska ayaa AFP u sheegay in dhowr ka mid ah dadka dhaawacmay ay yihiin “dhaawacyo halis gelinaya nolosha.” Carruur ayaa sidoo kale ku jiray dhibbanayaasha, sida ay warbaahinta maxalliga ahi sheegtay.

 

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu Jarmalka yimid sanadkii 2016, xilligii ay Yurub ku qulqulayeen qaxootiga badan. Codsigiisa magangalyada ayaa la diiday, hase yeeshee lama qorsheynin in la masaafuriyo.

 

Madaxweynaha Bavaria, Markus Soeder, ayaa ku tilmaamay weerarka “xanuun badan” isagoo sheegay “waxay u muuqataa weerar.”

 

Tani ma ahan dhacdadii ugu horreysay… waa inaan muujinaa go’aan adag in wax ka beddel lagu sameeyo Jarmalka,” ayuu yiri Soeder, oo xisbigiisa CSU uu xulafo la yahay CDU-da raacsan midig.

 

Doodda sii kululaatay

Xulafada CDU/CSU, oo sahannadu muujinayaan inay ku guuleysan doonaan doorashada usbuuc ka dib dhaceysa, ayaa ku baaqay in la adkeeyo xeerarka soo-galootiga kaddib weerarradii ugu dambeeyay.

 

Xukuumadda Scholz, oo cadaadis kala kulmeysay arrintan xitaa kahor iclaaminta doorashada, ayaa horay u qaaday tallaabooyin ay ku adkeyneyso sharciyada magangalyada iyo dedejinta masaafurinta, oo ay ku jirto Afghanistan.

 

Scholz ayaa Khamiistii sheegay in dib u celinta “adagtahay in la abaabulo,” balse dowladda ay “ku guda jirto habka dib u celinta kiisas kale… si joogto ah.”

 

Weerarkan ayaa yimid xilli doodda ku saabsan amniga iyo soo-galootiga ay xoogeysatay kaddib dhacdooyin la mid ah, oo ay ugu dambeysay weerar mindi bishii hore oo laba qof lagu dilay magaalada Aschaffenburg, oo uu ku jiray wiil 2-jir ah.

 

Kadib weerarkaas, booliisku waxay xireen nin 28-jir ah oo Afghaan ah, oo la sheegay inuu lahaa taariikh caafimaad oo dhimirka la xiriirta.

 

Bishii December, lix qof ayaa ku dhimatay kaddib markii baabuur lagu jiiray suuqa Kirismaska ee Magdeburg, waxaana la dhaawacay boqolaal qof. Nin Sacuudiyaan ah ayaa la xiray, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Nancy Faeser ay sheegtay inuu sidoo kale lahaa xanuun dhimir.

 

Weerarka Khamiista ayaa dhacay xilli Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance uu yimid Munich si uu uga qeybgalo Shirka Amniga ee sannadlaha ah, oo Jimcaha bilaabanaya.

 

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sidoo kale u safraya Munich si uu kulan muhiim ah ula yeesho wakiillada Mareykanka oo looga hadlayo suuragalnimada in dagaalka Ruushka lagu soo afjaro.