Nin iyo xaaskiisa oo caawa lagu dilay Laasacaanood

1043

Dablay aan haybtooda la aqoonsan ayaa caawa dil toogasho ah lamaane is qabay ugu gaystay xaafada farxaskule ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee Somaliland.

Lamaanaha ayaa la sheegay in dilka loo gaystay xili ay kusii hoyanayeen guridooda, caawa cawaysinkii.

Lamaha amaanka gobolka Sool wali kama hadal toogashada lamaanaha loo gaystay,

Xukuumada Somaliland ayaa bixisay dadaalo lagu sugayo amniga magaalada Laascaanood bilihii lasoo dhaafay, lakin ilaa hada waxa muuqata in ay wali sii socdaan dilalkii iyo amni daradii.