Nin ku eedeysan Dilka Fanaankii Tupac Shakur oo maxkamad kasoo muuqday

280

Nin lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay toogasho lagu dilay fanaankii caanka ahaa ee Tupac Shakur sannadkii 1996-dii, ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday maxkamad , isaga oo lagu eedeeynayo in uu dilkaasi ka dambeeyay.

Duane “Keffe D” Davis, oo 60 jir burcad ahaa ayaa lasoo istaajiyay isagoo katiinadeysan xarunta Caddaaladda gobolka ee Las Vegas, waxaana ninkan shalay oo Arbaco aheyd markii ugu horeesay kasoo muuqday maxkamadda.

Ninkan dilka ku eedeysan ayaa la qorsheeyay in lagu soo oogo dacwad dil ah, balse dhageysiga waa la soo gaabiyay, kadib markii uu ka codsaday xaakimka degmada Clark Tierra Jones in uu dib u dhigo dhageysiga inta uu sii hayo qareenka Las Vegas.

Davis oo la xiray isbuucii hore ayaa horey u qirtay in isagu ka dambeeyay dilka loo geestay fanaanka caanka ahaa ee Tupac Shakur, waxa uuna ninkan si fagaare ah u qirtay doorkiisa dilka waraysiyo uu bixiyay ka hor 2019.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay dilka Shakur in uu ka dhashay xifaaltan iyo tartan loogu jiro xukunka “raabka gangsta” bartamihii 1990-meeyadii, waxaana dilka la tuhmayay in ay ka dambeeyeen kooxo iska soo horjeeday oo tartan adag ku jiray.

Fanaanka Tupac Shakur ayaa toogasho lagu dilay gudaha magaalada Las Vegas, waxaana xilligaasi waxii ka dambeeyay socday baaritaannada kiiska dilkiisa, iyadoona ugu dambeyn kiiskan hadda loo soo xiray ninkan 60-jirka ah ee lagu eedeynayo.