Nin ku guuleestay $30 milyan oo doollar oo qariyay xaaskiisa iyo carurtisa

266

Qof aan madaxiisa ka jeedin ee la sawiran ninka funaanadda cad, wuxuu ku guuleystay baqtiyaa-nasiib, kaddib markii uu kusoo baxay celceliska tartan la qabtay 40 jeer oo lottery-ga ah. Waxaana lagu abaalmariyay adduun dhan 220 milyan yuan oo u dhiganta lacag dhan $30 milyan oo doollar.

Aalaaba guushaan oo kale ah qofka hela, wuxuu farxaddiisa la qeybsadaa ehelkiisa iyo saaxiibada iyo saaxiibada. Laakin ninkan intaas oo dhan lama wadaagin xattaa tiro iyo maqsuuqiisa.

Sabab maangal ah oo loogu garaabi karo ayuuna sheegtay.
Xaqiiqdii warkan fiican haddii uu la wadaago xaaskiisa iyo carruurtiisa, wuxuu sheegay inuu ka baqay inay isu-dhiibaan dhaldhalaalka nolosha oo ay mashqeystayaal wahsi badan noqdaan maadaama ay ku tashanayaan lacagtaas 30 milyan ee doollar.
Sidaas darteed, wuxuu doortay inaysanba ogaanin lacagtiisa si ay noloshooda caadiga ah ugu noolaadaan oo aanay halganka maalinlaha ah uga harin. Wuxuuna madaxa kusoo dabooshay boonbile si aan loo garanin.

“Waxaan ka baqay inay ku kadsoomaan nolosha oo ay shaqeysan waayaan ama ay iskala weynaadaan dadka kale maadaama ay meel ku og yihiin lacagtaas 30-ka milyan ah,” ayuu yiri. “Sidaas ayaana uga qariyay inay helaan xogta ku saabsan ku guuleysigayga baqtiyaa-nasiibka.”

“Waxaan doonaya inay si fiican wax iigu bartaan oo aanay ka harin loolanka dhabta ah ee nolosha.”

Dadka badan ayaa ku taageeray ninkan go’aankiisa. Waxayna aragtidiisa ku tilmaameen heer kale oo indheergaradnimo ah.

Laakiin xeer ahaan, waa sharci-darro in ninku afadiisa ka qariyo adduunka lacageed oo uu heysto gudaha Shiinaha.