Nin ku hubeysnaa Tooreey oo dad dilay+SAWIRRO

1745

Ardayad dhigan jirtay Dugsiga Hoose ayaa geeriyootay, halka 16 kalena ku dhaawacmeen weerar uu Nin ku hubeysan tooreey uu saakayto ka geystay goob basaska laga raaco oo ku taalla duleedka caasimadda dalkaasi Japan ee Tokyo.

Idaacadda Qaranka dalkaasi ee NHK waxay ka soo xigatay Boliska inuu weerarkaasi ka dhacay magaalladda Kawasaki ee dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda Tokyo.

16 gabdho Arday ah iyo 2 qof oo qaangaar ah ayaa iyagana lagu dhawaacay, kadib, markii uu Nin ku hubeysnaa dhowr tooreey uu si saf-mar ah u dhaawacay Arday iyo dad kale oo ku sugnaa Bosteejadda iyo kuwo ku dhex jiray Baska.

Gabdhaha la dhaawacay oo da’doodu u dhexeysay 6 jir ilaa 7 jir waxay ahaayeen Arday sugaysay gaarigii Iskuulka ee ay raaci lahaayeen.

Dhinaca kale, Warbaahinta NHK waxay sheegtay in Ninka geystay weerarkaasi oo da’diisa lagu qiyaasay 40-aadka ama 50-aadka ayaa isagana isku dilay Tooreeydii uu watay oo uu isaga dooxay Luqunta, sida ay Boliska Japan shaaciyeen.