Nin ladilay oo loodoortay Duq magaalo

394

Musharrax u tartamayay inuu noqdo maayirka magaalo ku taal waddanka Ecuador – kaas oo la dilay saacado kahor inta aanay furmin goobaha codbixinta – ayaa ku guulaystay doorashadii ka dhacday magaalada Puerto López.

Omar Menéndez oo 41-jir ahaa ayaa waxaa toogtay rag hubaysan oo ugu galay qol ay Sabtidii ku wada jireen isaga iyo dad kale oo kala shaqeynayay ololihiisa doorashada.

Wiil dhalinyaro ah ayaa sidoo kale lagu dilay weerrarka. Booliska ayaa weli baaraya sababta ka dambaysay weerrarkaasi.

Qof ka tirsan xisbiga Mr Menéndez ayaa la filayaa inuu geli doono booska siyaasiga la dilay oo uu sidaas ku noqon doono Duqa magaalada.

Doorashooyinka dowladda hoose ayaa la qabtay xilli ay sare u sii kacayeen mowjado fal dambiyeedyo ah kuwaas oo ay saamayn ku leeyihiin burcad mukhaadaraadka isticmaasha.

Mr Menéndez ayaanan ahayn siyaasiga kaliya ee la dilay waqti yar uun ka hor inta aanan doorasho la qaban. Laba todobaad ka hor, Julio César Farachio oo u tartamayay inuu maayir ka noqdo magaalo xeebeedka Salinas ayaa toogasho lagu dilay.

Booliska ayaa xiray qof looga shakisanyahay dilka Farachio kaas oo hore ugu gooddiyay 45-jirkaasi doorashada u tartamayay.

Qofka laga shakisanyahay ayaa dhawaan laga soo daayay xabsi ka dib markii uu dhammaystay xukun loogu riday maandooriye uu kala gudbinayay, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Illaa hadda ma jirto cid loo soo xiray dilka Omar Menéndez, kaas oo raggii dilkiisa gaystay ay ku baxsadeen dhugdhugley.

Madaxweynaha Ecuador Guillermo Lasso ayaa cambaareeyay dilalka la gaystay.

Madaxweynaha oo ah muxaafid dhaqaaleyahan ah ayaa la daalaa dhacayay sidii uu wax uga qaban lahaa dilalka sii kordhaya ee ka dhacaya waddanka Ecuador.