Nin Miino wado ku aasayey oo la qabtay +SAWIRRO

1499


Ciidamada Nabad Sugida Galmudug ayaa sheegay iney qabteen nin miino ku aasayey Magaalada Dhusamareeb.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaan oo ahaa Miino la qabtay Nin ku Aasayay hareeraha wado dhex-marta Magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan Suuqa jaadka lagu iibiyo sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen Ninkii miinada aasayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaar kamid ah Haweenka jaadka iibinayay ay arkeen Ninka miinada Aasayay sidaasina ay Ciidamada ugu wargeliyeen, waxaana Ninka la qabtay la geeyay xarun Ciidamada Nabadsugida ku leeyihiin Magaalada Dhuusamareeb.

 

“Ciidanka Amaanka Magaalada Dhusamareeb ee caasimada Galmudug oo kaashanaya shacabka ayaa ku jira heegan si ay uga hortagaan shirqoolada Kooxda Nabadiidka Ah ee Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee maamulka Galmudug.