Nin oday ah oo saakay lagu dilay Ceelasha biyaha

1366

Dabley hubeysan ayaa qof shacab ah waxay saaka ku dileen degaanka Ceelasha biyaha oo ka mid ah degaanada ku teedsan jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Ninka la dilay oo aday ahaa ayaa la sheegay inuu ka soo baxay xaafad ku taala degaanka Ceelasha biyaha oo ay ka socotay xaflad aroos.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxda hubeysan ay goobta ka baxsadeen markii ay dilka geysteen, waxaana halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo halkaasi ka bilaabay baaritaano.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka ee ku sugan Deegaanka Ceelasha Biyaha, lamana oga illaa hadda waxa uu ahaa ninkan iyo sababta loo dilay.