Ninki dilay Nimco Cumar oo laqabtay

1798

Wararka laga helayo Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Puntland ay Shaqsi u qabteen dilkii tooreyda loo adeegsaday ee loo geystay Gabar ka mid aheyd dadka Gaalkacyo.

Gabadha oo lagu Magacaabi jiray Nimco Cumar Shire (Xuuray) ayaa xilliga la dilayay waxaa ay kasoo baxday Masaajid ay kusoo dukaday Sallaada Taraawiixda Masjid ku yaalla Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug iyo laamaha Amniga ayaa xaqiijiyey in hal Ruux loo qabtay dilkaas,isla markaana baaritaano ay ku hayaan.

Marka laga soo tago qabashada Shaqsiga ku eedeysay dilka Gabadha Dhalinyarada aheyd,hayeeshee majirin cid sheegatay dilkaas ama cadeysay sababta loo dilay,waxaana Magalada Gaalkacyo ay noqotay Sanadkii u dambeeyay mid lagu dhibaateeyo Gabadhaha,iyada oo sanadkaan gudihiisa lagu kufsaday laguna dilay Gabar lagu Magacaabi jiray Caaisho Ilyaas Aadan.