Ninkii Hooyada iyo gabdhaheeda ku dilay Nairobi oo gabar 4aad dilay +Sawirro

92

Dambi-baarayaasha Kenya ee gacanta ku haya kiiska ninkii dilka arxandarada ahaa u geestay hooyo, gabar ay dhashay iyo gabar kale oo habayar u aheyd, ayaa helay caddeymo hor leh oo ku aadan falkii uu geestay Haashim Dhaqane Maxamed, oo lagu tuhmayo in falkan ka dambeeyay.

 

Muuqaal kaamirada CCTV duubtay ayaa laga arkayay Haashim Dhaqane iyo Deeqa Cabdinoor Garone, oo aheyd haweneydii koobaad uu dilay oo ka baxaya dukaan weyn oo lagu magacaabo Quickmart , waxaana dukaanka markii ay ka baxday kaddib la arkay muuqaalka iyada oo galeysa guri kuyaalla xaafada Lavington ee magaalada Nairobi 29/10/2024 .

 

Dembi baarayaasha waxay caddeeyeen in haweenaydu ay la socotay Hashim Dhagane, oo degganaa guri kuyaalla Nairobi, waxaa ninkan kaamirada qabatay isaga oo wata baco loo maleenayo in ay ku jiraan haraaga hilbaha Deeqa uu si arxandarro ah u dilay.

 

Waxa kale oo la xaqiijiyey in Dhagane kadib uu ka baxay guriga uu dhibka ku dhax geestay. Milkiilaha guriga ayaa la sheegay in uu ogaaday falka foosha xun ee ka dhacay dhismihiisa, hasa ahaatee ninka guriga lahaa ayaa la tilmaamay in uusan booliiska wargalin , balse taasi badalkeeda waxa uu rinjiyeeyay guriga si aan loo ogaan wax ka dhax dhacay , isagoona markaa kaddib guriga ka baxsaday milkiilaha oo hadda la baadigoobayo.

 

Dambi-baarayaasha kiiskan gacanta ku haya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xaqiijinta caddaaladda dhibanayaasha labada dhacdo ee nasiib-darrada ah, iyadoo ay baarayaasha baaritaanno dheeraad ah kuwada Hashim Dhaqane oo ah tuhmanaha ugu weyn ee kiiskan.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN