Norway ninkii weeraray Masjidka Al-Nuur oo xukun adag lagu riday +Sawirro

1551

 

Maxkamad ku taalla dalka Norway ayaa 21 sano oo xarig ah ku xukuntay nin la sheegay inuu weeraray Masaajid ku yaalla halkaas iyo dil uu u geystay walaashiis.

Philip Manshaus oo 22 jir ah ayaa rasaas ooda kaga qaaday masaajidka Al Nuur ee ku yaalla degmada Baerum ee galbeedka magaalada Oslo bishii Agosto ee sannadkii la soo dhaafay.

Rasaasta lagu furay masaajidka cidina ku dhaawacmin, waxaana gacanta lagu dhigay ninkaas ka hor inta uusan isku dayin inuu ka baxsado goobtaas

Ninkan ayaa raacayay sida ay Booliska sheegeen waddadii uu maray Brenton Tarrant oo isagu lagu eedeeyay weerarkii ba’naa ee lagu qaaday labadii masaajid ee ku yaallay New Zealand bishii March ee sannadkii 2019-kii kaasoo dilay ugu yaraan 50 ruux.