Norway oo hirgelinaysa dukaan furan 24 saac aysana shaqaale gadayn

1873

Waxaan ku howlanahay inaan ka gungaarno Teknoolojiyad ka dhigaysa howl maalmeedka mid fudud. Hadda waxaan horey u qaadnay talaabo ayuu yiri Gøril Joys Johnsen agaasimaha qaybta maamilka ee Coop Norge oo warsaxaafadeed soo saaray.

Waxaa lagu wadaa inta lagu guda jiro sannadkan 2019 in la furo dukaan Coop Extra ah oo qaab ka duwan dukaamada kale ee Coop u shaqaynaya, kaasoo laga furayo Bogstadveien ee magaalada Oslo.

Dukaankan inta laga gaarayo saacada 23.00 habeeno waxaa uu ahaan doonaa dukaan caadi ah oo shaqaale ka shaqaynayo balse markii ay rawaxaan shaqaaluhu ayaa waxaa la wareegaysa qalabka Teknooljiyada oo wadi doonta dukaanka inta habeenka ka dhiman, markaasoo macaamiishu ay iyagu iska soo furayaan dukaanka kana adeeganayaan iyagoo telefoonkooda adeegsanaya.

Waxaa la sheegay in telefoonka loo isticmaalayo soo gelista balse ay jiraan qalab kale oo sahlaya ka adeegashada dukaanka oo noqon doona kii nuuciisa ugu weynaa ee dalkan ka howlgala.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN