DAAWO:-Odawaa Oo Mar Kale Loo Doortay Xildhibaan+SAWIRRO

924

 

Waxaa Goordhow Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kusoo dhammaatay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP069 Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada kursigan ayaa waxaa ku tartami lahaa Musharax lagu magacaabo Maxamed Axmed Xoosh iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo sanadihii lasoo ku fadhiyey kursigaas, waxaana inta aysan bilaaban doorashada ka haray Maxamed Xoosh.

Ergada doorashada kursigaan ayaa qaab gacan ah ugu coddeeyay Cabdiraxmaan Odawaa oo markale loo doortay inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kadib markii uu tartanka doorashada ka tanaasulay Musharax Maxamed Axmed Xoosh.

Guddiga doorashada Galmudug oo ku dhawaaqay Natiijada doorashada ayaa shaaciyay in Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa uu ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP069 Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada kursiga HOP069 ayaa waxaa horey ugu tanaasulay Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala, wuxuuna si hordhac ugu sii hambalyeeyay Odawaa oo Maanta la doortay.