Odayaal kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo dhax dhaxaadin u aaday Hargeysa

200

Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland gaaray qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya , kuwaa oo horey u tagay magaalada Laascaanood.

Odayaasha gaaray magaalada Hargeysa ayaa waxaa soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Somaliland iyo odayaal dhaqmeed, waxaana loo galbiyay goob gaar ah oo loogu tala galay in la dejiyo.

Sida aan wararka ku helnay odayaasha ka socda Koonfurta Somaliland ayaa u tagay Hargeysa sidii madaxda iyo odayaasha deegaankaasi ugala hadli lahaayeen xal u helida dagaalka dhiiga badan ku daatay ee wali ka socda magaalada Laascaanood.

Odayaashan ka tagay Koonfurta Soomaaliya oo si iskood ah isku abaabulay ayaa horey u tagay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxa ayna halkaasi wadahadalo kula yeesheen garaada beesha degta Laascaanood.