DAAWO:-Odayaasha Cadaado oo diiday hadalkii Kheyre

1773

Kulan ay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Maanta ku yeesheen Odayaasha & Waxgaradka Magaladaas ayaa waxaa ay uga soo horjeesteen hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ahaa in gogosha shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu dhigayo Magalada Dhuusamareeb.

Qaar ka mid ah Odayaasha & Waxgaradka Cadaado oo kulanka ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay nasiibdarro tahay in Magalada dhuusamareeb shirka dib u heshiisiinta lagu qabto,isla markaana dadka ku nool ay mudo 8 Sano ah dhibaato ku hayeen reer Galmudug.

Go’aanka ah in shirkasasi lagu qabto Magalada Dhuusamareeb ee uu qaatay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayay ku dhliileen,waxaana ay sheegeen in dadka Magalada Cadaado aysan ka qeyb galeen hadii shirka lagu qabo Magalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay sheegay in markii uu kasoo tegayay Magalada Muqdisho ay dad badan kula taliyeen in uusan tegin Galmudug,isla markaana wax xal ah ka gaareen,hayeeshee taasi ay haatan muuqato.