Ogow 4 arrin oo Axmed Macalin Fiqi lagu haysto

41

Mooshinka ka dhanka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macalin Fiqi waxyaabaha sida dhabta ah ka dambeeya tallaabadan waxaa kamid ah inuu adkeeyay;

1- Habraaca lagu qaato Baasboorka Diblomaasiga ah iyo kan Shaqaalaha. Waa tallaabo bogaadin mudan oo uu kaga saxsan yahay Xildhibaannada.

2- Habraaca lagu dalbo Dal-ku-galka Yurub iyo Ameerika oo ay Xildhibaannada qaar ku dhoofiyeen tahriibayaal ay ku jiraan eheladooda. Tallaabadan waxaa sidoo kale qeyb ka ah qaar kamid ah Guddoonka Barlamaanka oo caddeymo buuxdo laga hayo dadkii ay dhoofiyeen.

3- Hannaanka lagu qoro shaqaalaha cusub ee Wasaaradda oo ay qaar kamid ah ergadii soo dooratay ku doonayaan in loogu meeleeyo safaarado dibadda ah.

4- Kala wareejinta diblomaasiyiinta oo ay qaarkood hal shaqo hayeen 10 sano ka badan hal dal taasoo culeys ku abuurtay diblomaasiyiin deegaan rasmi ah ka dhigtay dalalkii loo diray, qaarkoodna ku milmeen dalalkii la geeyay.

Dhammaan tallaabooyinkaas waa in Wasiir Fiqi lagu bogaadiyaa, laguna garabsiiyaa si Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay u gudato waajibaadka ka saaran horumarinta iyo kobcinta diblomaasiyadda dalka ee fagaarayaasha caalamka.