Ole Gunner Oo Farriin Caga Jugleyn Ah U Diray Dhigiisa Pep

2347

Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunner ayaa ka hadlay isku aadka semi finalka EFL CUP iyadoo ay kooxdiisa ay ku dhaceyso Man City

Labada koox ayaa xalay ka badiyay kooxaha Colchester United iyo Oxford United , waxaana isk aadka wareeggaas ka dib isku dhacay United iyo City

” Mar waliba waxaan dooneynaa in aan koobabka iyo kulamada ku guuleysanno , isku aadka aad ayuu u wacan yahay”

” Wax waliba oo inaga hor yimaada waan qaabileynaa , xasuus wacan ayaan ku leenahay kulankeenkii ugu dambeeyay United iyo City” ayuu sii raaciyay macalin Ole Gunner

“Sidaas oo ay tahay City waa kooxda ugu fiican Ingiriiska waxaase ogahay in aan kulankaas galeyno iyadoo aynu haysanno kalsooni weyn”

Waxaa xusid mudan in labada koox ay ku kulmeen horyaalka labada todobaad ka hor waxaana 2/1 ku badisay kooxda Man United.