Ole Gunner Solskjaer Oo Haatanba Xiddigaha Man United Ku War Galiyay Wakhtiga Laga Caydhin Karo Shaqada Man United & Halka Arin Ee Sababta U Noqon Kara

1580

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa in uu si lama filaan ah xiddigaha kooxdiisa ugu sheegay in laga caydhin doono shaqada tababaranimo ee Man United hadii ay Guuldaro kala kulmaan Tottenham Arbacada sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha reer Norway ayuu saaran yahay cadaadis kadib bar-barihii ay kooxdiisu Axadii la gashay Aston Villa kaas oo keentay in ay 8 dhibcood ka dambeeyaan kaalinta 4-aad iyo 22 dhibcood oo kaalinta 1-aad ah.

Mauricio Pochettino ayaa sugaya shaqada kadib markii laga caydhiyay shaqada Tottenham xilli uu ugu cad-cad yahay in uu Solskjaer ka badalo shaqada hadii la caydhiyo.

Wargayska The Sun ayaa haatan sheegaya in uu Tababare Ole Gunnar Solskjaer u sheegay xiddigaha kooxdiisa in uu waayi karo shaqadiisa hadii ay guuldaro kala kulmaan kooxda Jose Mourinho.

Mourinho ayaa ku soo laaban doona Old Trafford isaga oo cadaw ah bilo kadib markii laga caydhiyay shaqada United laguna badalay Solskjaer waxana uu haatan sabab u noqon karaa in isla isaga laga cadhiyo shaqada markan