ONLF oo ka hadashay rabshado ka dhacay Wardheer +COD

1594

Jabahadda ONLF ayaa war qoraal ah ka soo saartay banaanbaxyo rabshado watay oo maalmihii la soo dhaafayay ka dhacayay magaalada Wardheer ee gobolka Doolo ee dalka Ethiopia.

Banaanbaxyadaas ayaa intii ay socdeen waxay ciidamada boolisku ku xirxireen dad badan, qaar kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo.