Oromadii oo bilowday inay faqaan qabuuraha Caabudwaaq

74

Wararka ka imaanaya Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ethiopian kii kusoo qaxay Magaaladaasi ay bilaabeen xaalufinta birihii magaaladaasi yaalay, waxaana ay shacabka shaaca ka qaadeen in labada qoomiyadood ee Amxaarada iyo Oromada ay birihii dhan ay u daabuulaan warshadahaha biraha ka shaqeeya ee Ethiopia.

 

 

Bile oo kamid ah dadka degaanka ayaa mid kamid ah warbaahinta gudaha u sheegay in Ethiopiankii Oromada iyo Amxaaradu ay bilaabeen inay labaxaan astaamaha loo sameeyo qabuuraha ku yaala magaaladaasi taasi oo xadgudub ku ah shareecada islaamka iyo dhaqanka Soomaalida.

 

Bile waxa uu xusay in magaalada gudaheedi loogu kiilo kiileeyo biraha iyo jaqafyada kale ay Qabuuraha kala soo baxaan waxaana laga siiyaa 20 sinti midkiiba.

 

Waxa uu ninkaan tilmaamay in shacabka hadda ay la’yihiin birihii ay faasaska ay ka sameysan jireen xitaa maadaama wixii biraha ee Caabudwaaq yaalay ay labadaan Qoomiyadood ee kusoo guuray Magaaladan ay xaalufiyeen.

 

Dhowaan ayay ahayd markii Degmada Guriceel lagu dilay laba nin Ethiopian ah oo Qoomiyadda Oromada ah kuwaasi oo ku lug yeeshay ka ganacsiga biraha oo dhowr jeer looga digay inay suuq geeystaan.