Paul Pogba Oo La Ogaaday Kooxda Uu Heshiiska Shaqsiga Ah La Gaaray

2019

Saxafiga reer Spain ee Guillem Balague ayaa qarxiyay lama filaan ku saabsan mustaqbalka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba.

Pogba ayuu shaki weyn ku jira mustaqbalkiisa kooxda Man United iyada oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda ku ciyaarta Old Trafford xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Pogba ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxaha Juventus iyo Real Madrid laakiin Guillem Balague Ayaa sheegay in ay Barcelona tahay kooxda haatanba heshiiska shaqsiga la gaadhay xiddiga reer France.

Guillem Balague Ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray” Waxa jira sheekooyin laga soo qoro Paul Pogba iyo Real Madrid laakiin anigu waxa aan rumaysanahay in ay Barcelona haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga laakiin ay u hadhay in ay Man United ku qanciyaan iibka xiddiga”.

Arintan ayaa lama filaan ku noqonaysa taageerayaasha kubada cagta marka loo eego in xiddiga lala xidhiidhinayay Paul Pogba kooxaha Real Madrid Iyo Juventus.