
Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee weeraryahankiisa Sergio Aguero isaga oo qirtay in uuna xaalkiisu ahayn mid fiican kadib kulankii Chelsea.
City ayaa 2/1 ah ku garaacday kooxda chelsea kulan ka dhacay Etuhad xilli ay kali ku noqdeen kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka walina 9 dhibcood ka dambeeya Liveprool.
Si kasta ha ahaatee Masiibada dhaawacyada kooxda Man City ayaa sii socda iyada oo uu daqiiqadii 77-aad ka dhaawacmay xiddiga Sergio Aguero.
Tababaraha reer Spain ayaa sheegay in uuna wax war ah ka heli doonin xaalada Aguero maanata oo Axad ah laakiin ayna xaaladu u muuqan fiican.
“Waxa aan rajaynayaa in aan war helno saacadaha soo socda laakiin sida ay xaaladu u muuqato ma ahan arin fiican, waa dhaawac muruqa ah”.