Pochettino, Rodgers, Mbappe, Arteta, Aubameyang, Depay & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

1972

Suuqa kala iibsiga ayaan haatan furnayn iyada oo ayna kooxduhu la soo saxiixan karin wax xiddigo ah oo heshiisyo ku jira.

Laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna jiri doonin waxa kooxaha reer yurub la xidhiidhinaya xiddigaha kala duwan.

Kooxaha ayaa isku diyaarinaya suuqa Janaury ee sanadka cusub oo ay inaga xigaan bilo iayab oo wakhtigaas la saxiixan kara xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalin leh ah idiinku soo gudbin doonta wararka ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee ay qoraan wargaysayda.

Saxiib u dhaw Mauricio Pochettino ayaa lagu soo waramayaa in uu u sheegay in uu iska diido Arsenal oo uu sugo shaqo uga timaada koox weyn (Telegrpah).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Aubameyang ayaa Lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu ku biiro Real Madrid (Star)

Mauricio Pochettino ayaa ku qasbanaan doona in uu dib u celiyo lacagtii 12.5 milyan ee uu ka helay Tottenham hadii uu xilli ciyaareedkan tababare u noqdo koox premier League ah xilli ciyaareedkan (Express).

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay sugi doonto ilaa xagaaga si ay u hesho tababaraha bartilmaameedkeedka ah ee Brendan Rodgers xilli uu tababarihii hore ee Liverpool shaqada Arsenal u arko shaqadii riyadiisa (Star).

Mikel Arteta ayaa ah tababaraha ay doonayaan maamulka Arsenal in ay ku badalaan Unai Emery xilli uu Xiddigii hore ee Gunners laftiisu doonayo shaqada Arsenal (Sun).

Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in uu dalab 12 milyan uu mushahar ugu qaadanayo sanadkii ka helay kooxda Real Madrid si uu shaqada uga badalo Zidane ka hor intii uuna ku biirin Tottenham (Sun).

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay xagaaga u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lyon ee Memphis Depay (Express).

Kooxda PSG ayaan wali heshiis cusub u soo bandhigin da,yarka Kylian Mbappe kaas oo lala xidhiidhinayo kooxda Real Madrid (Le10Sport).

Kooxda Man City ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Leicester City ee Caglar Soyuncu (Times).

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah uga hadhay saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Mario Mandzukic (Mirror).

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Genk ee Sander Berge (Mirror).