Prof Jawaari oo goordhaw Geeriyooday

47

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku geeriyooday Allah u naxariiste guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Marxuumka ayaa la sheegay in maalmahii laso dhaafay uu xanuunsana, islamarkaana xanuunkaas uu u geeriyooday, walow aanan wali shaacin xanuunka uu u geeriyooday Prof Jawaari.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka tacsiyadeeyay geerida guddoomiye Jawaari oo si weyn looga dhex dareemayo baraha bulshada.

Madaxda ilaa hada ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Jawaari waxaa ka mid ah Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo eebe uga baryay marxuumka inuu ka waraabiyo naxariistiisa Janno.

Allah u naxariiste Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku geeriyooday da’da 79 sano, waxuuna labo mar soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale horay u soo qabtay iyo xilal kala duwan.